Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Qaxootiga Oromada ah ee ku dhaqan Muqdisho oo Codsaday in Gar Gaar Lala Soo Gaaro
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:138
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:66
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:48
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:333
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 28 2008
Qaxootiga Oromada ah ee ku dhaqan Muqdisho oo Codsaday in Gar Gaar Lala Soo Gaaro
Written by Ali Moallim   
Saturday, 28 June 2008

Muqdisho.(insidesomalia.org)-Dadka ka soo jeeda Qoomiyada oromada ee ku barakacay Magaalada Muqdisho gudaheeda ayaa xiligaan waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyin xaga Nolosha ah, iyadoo Hay’adaha gar gaarka ay ka codsadeen in gar gaar la soo gaaraan dadkaan ka soo jeeda Qooomiyada Oromada .

Guddoomiyaha Qaxootiga Oromada ee Soomaaliya ku dhaqan Maxamuud Sheekh Xasan ayaa waxa uu sheegay in ay sii korortay dhibaatada heysata Qaxootiga Oromada, waxaana uu sheegay in sicir bararka ka jira gudaha Dalka Soomaaliya ay saameen balaaran ku yeesaheen dadkaasi Qaxootiga ah.

Maxamuud Sheekh Xasan ayaa tilmaamay in Qaxootigan ay noloshooda ku tiirsaneyd Xamaali, balse ay adkaatay in ay ka xamaashaan Suuqyada Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Qaxootiga Oromada ayaa ka deeyriyay xaalada ay ku sugan yihiin Qaxootiga Oromada ah ee ku nool agagaarka seybiyaano ee Magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegay caruurtooda in aysan helin wax barasho ayna la qeyb sanayaan Qaxootiyada kale ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Maxamuud Sheekh Xasan ayaa baaq waxa uu u jeediyay Ganacsatada iyo Hay’daha gar gaarka in ay wax u qabtaan Qaxootiga Oromada ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >